Dowladda Itoobiya Oo Bilaabaysa in Ay Dibadda Udhoofiso Gaas Ay Kasoo Saartay Dhulka Soomaligalbeed.

Thursday June 28, 2018 - 09:39:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Itoobiya Oo Bilaabaysa in Ay Dibadda Udhoofiso Gaas Ay Kasoo Saartay Dhulka Soomaligalbeed.

    Markii ugu horraysay dowladda Itoobiya ayaa bilaabaysa in ay dibadda udhoofiso gaaska dabiiciga ah oo ay kasoo saartay dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay dowladda Itoobiya ayaa bilaabaysa in ay dibadda udhoofiso gaaska dabiiciga ah oo ay kasoo saartay dhulka Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira.

Wasiirka nafta dowladda Itoobiya ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Addis Ababa wuxuu ku sheegay in lagu guuleystay soo saaridda keydad shidaal ah oo aad u farabadan ayna dhowaan bilaabayaan in gaaska dabiiciga ah ay dibadda u dhoofiyaan.

Itoobiya waxay sheetay in laba ceel oo kuyaal dhulka Somaligalbeed ay noqdeen kuwa awooda in ay kaafiyaan baahida shidaal ee gudaha wadanka  islamarkaana ay awoodaan in dibadda loo iibgeeyo shidaalka.

" Labo Ceel gaas ah oo ku yaal gobolka Soomaalida Itoobiya waxaa ku jira 4.7 trillion cubic joog ah iyo 13.6 milyan oo fuusto ah oo ay la socdaan dareerayaal gaas dabiici ah" sidaas waxaa yiri Motoma Mikasa oo ah wasiirka Naftada Itoobiya.


Wasaradda Naftada Itoobiya ayaa shacabkeeda ugu bishaaraysay in gaadiid shixnada ah loo diyaariyay daabulidda gaaska dabiiciga ah, shirkadaha xamuulka ee Kaaloob iyo Helaala ayaa qaabilsan muhiimadda in gaaska Ceyriin ay geeyaan dekadda caalamiga Jabuuti halkaas oo caalamka intiisa kale loogasii dhoofin doono.

Shirkado laga leeyahay wadanka Shiinaha oo ku guuleystay sahminta iyo qodista shidaalka dhulka Somaligalbeed ayaa iyana sheegay in sanadda 2019 ay itoobiya gaari doonto isku filnaashiyo dhanka Gaaska ah islamarkaana ay shaqa ka heli doonaan malaayiin qof Itoobiyaan ah.

Waxaa xusid mudan in shacabka Somaligalbeed ee dhulkooda lagu qaatay aysan wax faa'iida ah ka helayn shidaalka taas bedelkeedna ay shirkadaha shisheeye Nabaad guur ku hayaan dhulka ku wanaagsan daaqsinka iyo tacabka beeraha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items