Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Sh/Hoose.

Thursday June 28, 2018 - 13:53:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus dib uga qarxeen waxaana lasoo sheegayaa khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus dib uga qarxeen waxaana lasoo sheegayaa khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaallo culus ayaa maanta barqadii ka bilaawday deegaan ku dhow magaalada Qoryooleey oo xoog ay ku heystaan cutubyo katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadeen goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka DF-ka ee dabadhilifyada u ah ciidamada shisheeye.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan sedax askari lagu dilay weerarka, xoogaga Al Shabaab ayaa gacanta ku dhigay Mooto iyo qoryo gacmeedyo ay wateen ciidamada ladilay.


Isbuucan gudihiisa ayey sidaan oo kale dagaallo culus uga degmada Qoryooleey ugu dhaxmareen ciidamada Al Shabaab iyo Maleeshiyaad gacan saar laleh ciidamada Uganda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items