Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bishaar Al-asad ay ka geysteen Koonfurta Suuriya.
Wararka ka imaanaya gobolka Darcaa ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Urdun
iyo Suuriya ayaa sheegaya in duqeymo aan kala go' laheyn lagu dilay ugu yaraan
50 qof shacab ah.
Ragga Firfircoon ee soo tabiya dagaalka Suuriya ayaa sheegay in Meydadka dad
shacab ah lagasoo aruuriyay degmooyinka Busra Xariir iyo Almusiifay, dad ka
badan 50 kun oo ruux ayaa ubarakacay dhanka xuduudda kuwaas oo ka firxanaya
goobta dagaalka.
Kumanaan katirsan ciidamada Melleteriga Nidaamka Suuriya iyo maleeshiyaad
iiraaniyiin ah ayaa guluf dagaaleed ku qaaday gobollada Alquneydarah iyo Darcaa si
ay uga faramaroojiyaan xoogaga mucaaradka sunniga ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Duqeymo 50 Qof Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Koonfurta Suuriya.
Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay duqeymo bahalnimo oo diyaaradaha dagaalka dowladda Ruushka iyo kuwa Nidaamka Bishaar Al-asad ay ka geysteen Koonfurta Suuriya.