Qalbi Dhagax Oo Ku Wajahan Kenya Kadib Markii Itoobiya sii daysay.

Thursday June 28, 2018 - 22:11:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalbi Dhagax Oo Ku Wajahan Kenya Kadib Markii Itoobiya sii daysay.

    Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga kasii daysay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Ururka ONLF ee ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed oo gummeysi kujira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga kasii daysay mid kamida saraakiisha ugu sarraysa Ururka ONLF ee ka dagaallama dhulka Soomaaligalbeed oo gummeysi kujira.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in R/wasaaraha Itoobiya uu amar ku bixiyay in lasii daayo Qalbi dhagax oo bishii Agoosto sanaddii 2017 xukuumadda Farmaajo ay ka iibsatay dowladda Itoobiya.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujiyay Qalbidhagax oo isagoo dhoolla caddeynaya ku sugan baar laga cunteeyo kaasi oo lagu magacaabo Abasaaniya.

Qalbi dhagax oo lahadlay idaacad kutaal magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dhowaan usafri doono magaalada Nairobi ee wadanka Kenya halkaas oo uu ka helay magangelyo siyaasadeed.


Tallaabadii ay Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo ugu dhiibeen dowladda Itoobiya sanaddii 2017 ayaa shacabka Soomaaliyeed umuujisay heerka ay gaarsiisantahay dabadhilifnimada DF-ka oo cadowga kula saaxiibtay dadka iyo dalka.


Related Items