5 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Xarun Wargeys.

Friday June 29, 2018 - 11:17:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Qof American Ah Oo Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Xarun Wargeys.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay toogasho cusub oo ka dhacday mid kamida magaalooyinka wadanka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay toogasho cusub oo ka dhacday mid kamida magaalooyinka wadanka Mareykanka.

Wararka ka imaanaya gobolka Maryland ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen toogasho uu geystay ruux hubeysan.

Toogashada ayaa ka dhacday magaalada Annapolis waxaana lala beegsaday xarunta wargeyska Afka dheer ee Capital Gazette, qof ka badbaaday weerarka aya sheegay in Nin hubeysan uu gudaha ugalay xarunta wargeyska kadibna uu rasaas ladhacay shaqaalaha wargeyska oo ay kamid ahaayeen wariyayaal.

Saraakiisha Booliska Mareykanka waxay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen Ninka toogashada geystay oo iska dhaawacay faraha si uu u qariyo heybtiisa wuxuuna diiday in uu bixiyo wax caddeyma ah oo ku saabsan sababta uu dadka ulaayay.


Xaakimka gobolka Maryland ayaa ragga wararka fidiya u sheegay in shaqaalaha wargeyska Capital Gazette ay dhowr jeer booliska usoo gudbiyeen digniino hanjabaadyo ah oo uga imaanayay dad aan heybtooda lagaran balse ay Boolisku dhayalsadeen digniinahaasi.

Sanad walba boqolaal qof American ah ayaa toogasho ugu dhinta gudaha wadanka Mareykanka, dhacdooyinka nuucaan ah waxaa loo aaneeyaa hubka uu ku dhax faafsan bulshada Americaanka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items