Dowladda Mareykanka Oo 83 Qof Soomaali Ah Kasoo Tarxiishay Dalkeeda.

Saturday June 30, 2018 - 08:24:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo 83 Qof Soomaali Ah Kasoo Tarxiishay Dalkeeda.

    Dowladda Mareykanka ayaa markale muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkeeda qaxooti ku ahaa utarxiishay magaalada Muqdisho xilli maamulka Trump uu sare uqaaday falalka cunsuriyadeed ee uu kula dhaqmayo muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa markale muwaadiniin Soomaaliyeed oo dalkeeda qaxooti ku ahaa utarxiishay magaalada Muqdisho xilli maamulka Trump uu sare uqaaday falalka cunsuriyadeed ee uu kula dhaqmayo muslimiinta.

Ku dhawaad 90 ruux oo Soomaali ah ayaa shalay lagasoo dajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho, dadka lasoo tarxiilay oo diif iyo duruufo laga dareemayay ayaa warbaahinta u sheegay in maamulayaasha Mareykanka ay udiideen in ay horay usoo qaataan alaabihii ay heysteen.

illaa 83 qof ayaa lageeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana xusid mudan in dadka lasoo tarxiilay aysan wadin wax qarash ah kadib markii lagasoo reebtay wixii hanti ah oo ay wateen.


Qaar kamid ah dadka lasoo tarxiilay ayaa warbaahinta usheegay in labahdilay oo dalka dib loogusoo celiyay iyagoo aan heysan wax ay jicsin ka dhigtaan.

Waa markii Afaraad oo dad Soomaali ah oo Mareykanka lagasoo tarxiilay lakeeno magaalo Muqdisho tan iyo markii uu Trump maamulka lawareegay waxayna dowladda Mareykanka diiday in kaararka aqoonsiga ay siiso qaxootiga muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items