Sedax Askari Yugaandheys Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Golweyn Ee Sh/Hoose.

Saturday June 30, 2018 - 17:57:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Askari Yugaandheys Ah Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Golweyn Ee Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo ciidamo katirsan AMISOM lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo ciidamo katirsan AMISOM lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

Qaraxa oo maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula Mareer ayaa lala helay ciidamo katirsan Uganda oo ku lugeynayay wadada laamiga ah.

Ugu yaraan sedax askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada Al Shabaab ku hadasha.

Dhinaca kale iska hor'imaadyo xooggan ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka NO.60 ee gobolka Sh/Hoose, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee deegaanka.


Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, gobolka Sh/Hoose saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro dhammaantood khasaara dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items