Abuukar Cumar Caddaan " Maheynno Maalin loo dabaal dego oo Wadanku Xur ma ahan" Dhageyso.

Sunday July 01, 2018 - 11:00:09 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abuukar Cumar Caddaan " Maheynno Maalin loo dabaal dego oo Wadanku Xur ma ahan" Dhageyso.

    Xilliga Hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifya Soomaaliya ay dhigayaan munaasabado ay ku sheegayaan udabaal degidda maalinta Xuriyadda ayay indheer garadka Soomaaliyeed iftiinimanayaan in dalku wali ku jiro gummeysi daran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilliga Hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifya Soomaaliya ay dhigayaan munaasabado ay ku sheegayaan udabaal degidda maalinta Xuriyadda ayay indheer garadka Soomaaliyeed iftiinimanayaan in dalku wali ku jiro gummeysi daran



Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Magalada Muqisho,ayaa waxa uu ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhinacyada Siyaasada,Amniga dhaqaalaha iyo dagaallada ka socda deegaanka Tuka Raq ee gobolka Sool.

isagoo warbaahinta la hadlayay ayuu sheegay in munaasabada  loo dabaal degayo ee ku beegan Sanadguuradii 58aad ee Midowgii iyo Xurnimadii Somaaliya ee Sanadkii 1960 ay aad uga duwan tahay xilligii ay soo bilaabatay ee 58 Sanno ka hor.



Waxa uu sheegay in Calanka Soomaaliya ee xidigta Shanta Gees  ay ku taallo uu tilmaamayo Shanta dhul  ee Soomaalidu degto ee uu gumeysigii kala qeybiyey,markii laba gobol oo soomaaliya ka mid ah ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya ay Cadaalad darri ay hareysay dowladihii dalka soo martay.

"anigu wax loo dabaal degaayo magaranaayo calanka shanta gees leh wuxuu ahaa shanta soomaaliyeed maantana lama haayo, waxaaba nasiib darra ah in la waayo qof fahamta waxaas"ayuu yiri Xaaji Abuubakar.

Wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu kujiro xaalad gumeysi isagoo tusaale usoo qaatay in wadanka ay ka jiraan illaa 6 madaxweyne oo mid kale uu sheeganayo dowlad iyo madax banaani.

Xaaji Abuukar ayaa soo hadal qaaday kadeedka lagu haayo shacabka Muqdisho iyo waddooyinka laga xirtay "Ununka Maalin loo dabaal dego maheyno calankii shanta gees lahaa ayaa hadda lix madaxweyne leh, aryaa isbedel noola yimaada oo waxaan aan ku jirna naga qaada"ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaani ayaa dhowr mar hadallo uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dalka Soomaaliya marxalad gummeysi kujiro islamarkaana waxa kaliya ee xalka lagu gaari karo ay tahay ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Halkan ka degso wareysiga Xaaji Abuukar ama hoos ka dhageyso




Isha Codka: idaacadda Dalsan


 

Related Items