Nin Burcad Ah Oo Qaab Qarsoodi Ah Uga Baxsaday Xabsi Kuyaal Wadanka Faransiiska.

Monday July 02, 2018 - 11:52:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Burcad Ah Oo Qaab Qarsoodi Ah Uga Baxsaday Xabsi Kuyaal Wadanka Faransiiska.

    Wararka ka imaanaya wadanka Faransiiska ayaa sheegaya in nin burcad caan ah uu si yaab leh uga baxsaday xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Faransiiska ayaa sheegaya in nin burcad caan ah uu si yaab leh uga baxsaday xabsi ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in Anwar Faayad oo muddo 30 sana ah ku xukunnaa uu ka baxsaday xabsi kuyaal magaalada Paris ee casimadda Faransiiska halkaas oo uu ku xirnaa muddo 5 sanadood ah.

Diyaarad nuuca qumaatiga ukacda ah (Helicopter) ayaa xalay saqdii dhexe ku degtay barxadda xabsiga Goones ee magaalada Paris waxayna qaadday Ridwaan Faayad oo si aad ah loo doon doonayay.

Saraakiisha Booliska magaalada Paris waxay sheegeen in sedax nin oo aad uhubeysan ay howlgalka baxsashada ah kala qeyb qaateen Ridwaan Faayid oo ku eedeysnaa falal burcadnimo ah iyo dilal uu ku fuliyay ciidamo katirsan booliska.



 Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ninkan uu ubaxsaday dhanka wadanka Marocco, Ridwaan ayaa caan ku ahaa in uu jabsado Bankiyada waaweyn ee Faransiiska wuxuuna leeyahay kooxo gaangiistarra ah oo kala qeyb qaata falalka nuucaan ah oo dowladda Faransiiska ay u bixisay Burcadnimo.

Sanaddii 2013 ayuu sidaan oo kale ubaxsaday balse markale ayaa laqabtay waxaana lagu xukumay 30 sanadood oo xarig ah, wargeys maxalli ah ayaa sheegay in diyaaraddii uu uga baxsaday xabsiga laga helay bariga magaalada Paris

Related Items