Hoggaamiyaasha Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Jihaadka Ka Socda Qaaradda.

Tuesday July 03, 2018 - 12:02:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaasha Midowga Afrika Oo Walaac Ka Muujiyay Jihaadka Ka Socda Qaaradda.

    Magaalada Nawaashood ee caasimadda wadanka Muritaaniya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii 31-aad oo ay isugu yimideen hoggaamiyaasha qaaradda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nawaashood ee caasimadda wadanka Muritaaniya waxaa lagusoo gaba gabeeyay shirkii 31-aad oo ay isugu yimideen hoggaamiyaasha qaaradda.


Kulanka Ururka Midowga Afrika ayaa ciwaan looga dhigay "Ka guuleysashada Musuq Maasuqa" balse khudbadihii ay jeediyeen madaxweynayaasha kasoo qeyb galay ayay diiradda ku saarayeen arrimaha ammaanka iyo ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Max'med Weldu Cabdi Caziiz oo ah madaxweynaha Muritaaniya ayaa khudbaddii uu ka jeediyay kulanka wuxuu ku sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee ku hor gudbadan madaxda Afrika ay yihiin ammaanka iyo Musuq Maasuqa wuxuuna ku baaqay in si daacadnimo ah caqabadaha jira wax looga qabto.


Dagaalka lagula jiro jamaacaadka Jihaadiga ah ayay madaxda Midowga Afrika ku sheegeen in dhaqaale aad ufarabadan ku bixiyaan, madaxweynaha Faransiiska oo madasha kulanka ku sugnaa ayaa ku guubaabiyay hoggaamiyaasha Afrika in ay sare uqaadaan dagaalka ka dhanka ah jamaacaadka jihaadiga ah oo uu ku sifeeyay kuwa Argagaxisa ah.

Madaxweynayaasha qaaradda Afrika ayaa walaac ka muujiyay dagaalka jihaadka ah ee kusii fidaya qaaradda sida wadamada dhaca mandiqadda Saaxil,geeska Afrika iyo waqooyiga qaaradda oo jamaacaad islaami ah ka halgamayaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items