Weerar 2 Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Marka Sh/Hoose.

Tuesday July 03, 2018 - 17:34:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar 2 Gaari Looga Gubay Ciidamada AMISOM Oo Ka Dhacay Duleedka Marka Sh/Hoose.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo ciidamada shisheeyaha AMISOM markale lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qaraxyo is xigxigay oo ciidamada shisheeyaha AMISOM markale lagula eegtay deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

Wararka ka imaanaya deegaanka Shalaambood ee duleedka degmada Marka ayaa sheegaya in laba qarax lala helay kolonyo  ciidamo Yugaandheys ah oo ku socdaalayay wadada laamiga ah.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in laba gaari oo kala ahaa Booyad iyo Taaw lagu gubay qaraxyada lala beegsaday kolonyada ciidamada Midowga Afrika.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka Xarakada, weerarada dhabbagalka ah iyo qaraxyada ka dhanka ah ciidamada AMISOM ayaa joogta ka ah gobollada dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items