Al Shabaab Oo Sedax Askari Ku Dishay Deegaan Ku Dhow Magaalada Kismaayo.

Tuesday July 03, 2018 - 17:55:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sedax Askari Ku Dishay Deegaan Ku Dhow Magaalada Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday deegaan ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore ciidamo katirsan Al Shabaab
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday deegaan ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka maamulka 'Jubbaland' isku magacaabay ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay.

Ciidamo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday deegaanka Baarka oo qiyaastii 40 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa sababay dhimashada sedax askari oo kamid ahaa ciidamada Mareykanku Tababaray ee bil ka hor la dajiyay Baarka, goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga weerarka fuliyay ay horay usii qaateen 3 qori oo ay wateen ciidamada ladilay mid kamid ahna wuxuu ahaa daba Miinshaar ama PKM.

Isbuucii lasoo dhaafay weerar gaadma ahaa oo ka dhacay isla Baarka ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 2 askari, tan iyo markii ciidamadan ay saldhigga ka sameysteen deegaanka ayaa laga dilay ku dhowaad 70 askari.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items