Qarax Gaariga looga Gubay Booliska Kenya Oo Ka Dhacay Gobolka Mandheera.

Tuesday July 03, 2018 - 19:37:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaariga looga Gubay Booliska Kenya Oo Ka Dhacay Gobolka Mandheera.

    Ciidamo Kenyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo lagula beegsaday gudaha gobolka gumeysiga kujira ee NFD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Kenyaan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo lagula beegsaday gudaha gobolka gumeysiga kujira ee NFD.

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafeey ee hoos yimaad degmada Mandheera ayaa sheegaya in qarax lala helay kolonyo katirsan ciidamada Booliska Kenya waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in maanta gelinkii dambe uu qarax xooggan ka dhacay tuulada Sheekh Barroow waxaana qaraxa lagu burburiyay gaari Beebe ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkayeen gaariga oo gubanaya waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamadii la socday.


Xarakada Al Shabaab ayaa war kooban oo ay soo saartay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka, xarakadu waxay xaqiijisay in gaari gaashaaman ay ku burburisay qaraxa balse ma sheegin cadadka dhimasho iyo dhaawac ee ciidanka Kenya gaaray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items