Faah Faahin: 15 Askari oo Maamulka Galmudug looga dilay Dagaal Culus oo ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

Wednesday July 04, 2018 - 11:57:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: 15 Askari oo Maamulka Galmudug looga dilay Dagaal Culus oo ka dhacay deegaanka Caad ee gobolka Mudug.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka aroortii ka bilaawday deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Xarardheere ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saaka aroortii ka bilaawday deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Xarardheere ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay si adag udifaacdeen gacan ku heynta deegaanka Caad oo qiyaastii 50 KM ujira magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Meydadka ugu yaraan 15 askari oo katirsan ciidamada maamulka Galmudug ay daadsanyihiin gudaha deegaanka Caad halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay.

Sarkaalkan oo magiciisa lagu soo koobay Goobe Gureey ayaa maydkiisa waxaa ay maleeshiyaadku uga carareen Tuulada Caad, halkaas oo isaga iyo qaar kamid ah maleeshiyaadkii uu soo horkacay ay ku halaagsameen.


War rasmi ah oo kasoo baxaya xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay guulo ugu sheegatay dagaalkii Caad waxayna xarakadu sheegtay in ciidamadeedu ka adkaadeen qolooyin ay ugu yeertay Murtadiin ".

 

"Ciidamada Mujaahidiinta ee ku sugnaa tuulada Caad ayaa dagaal adag kala hortegay Maleeshiyaatkii Murtadiinta ahaa ee dullaanka soo qaaday, iyagoo halkaas lagu gaarsiiyay khasaare farabadan oo dhimasho iyo dhaawacba leh" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab


Wariye ku sugan gobolka Mudug ayaa soo sheegay in ciidamada Al Shabaab ay cagta mariyeen ciidamo katirsan 'Galmudug' oo saaka aroortii weerar gaadma ah ku qaaday Caad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga Al Shabaab ay Gowraceen Taliyihii hoggaaminayay ciidamada Galmudug ee weerarka soo qaaday, dadka deegaanka ayaa sheegaya in taliyaha isagoo dhaawac ah gacanta lagu dhigay kadibna ladilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items