Weerar Khasaara Dhaliyay oo lagu qaaday Saldhig Ciidan Oo kuyaal Deegaanka Cali Yaale.

Wednesday July 04, 2018 - 20:49:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo lagu qaaday Saldhig Ciidan Oo kuyaal Deegaanka Cali Yaale.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab Ayaa Weerar qorsheysan ku qaaday Fariisin maleeshiyaatka DF-ka ay ka sameysteen duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab Ayaa Weerar qorsheysan ku qaaday Fariisin maleeshiyaatka DF-ka ay ka sameysteen duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.


Weerarka oo dhaca xalay saqdii dhexe ayaa lagu qaaday fadhiisin iyo isbaaro maleeshiyaatka dowladda ay dhigteen wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Iska hor'imaad xooggan ayaa la xaqiijiyay in uu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Yaale, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay muddo kooban ku sugnaayeen goobihii lagu dagaallamay ugu yaraan hal askari ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay weerarka iyadoona Al Shabaab ay ka furteen qori AK47 ah.



Wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad ayaa halbowlle u ah isku socodka gaadiidka ay isticmaalaan saraakiisha dowladda Federaalka, Al Shabaab ayaa horay ujaray wadada xiriirisa Jowhar iyo Balcad halkaas oo isticmaalkeeda ay ka caageen mas'uuliyiinta maamulka Hir Shabelle isku magacaabay

Related Items