Saldhigga Ciidanka Kenya Ee Deegaanka Faxfaxdhuun Oo Weerar Madaafiic Ah lakulmay.

Wednesday July 04, 2018 - 21:19:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Ciidanka Kenya Ee Deegaanka Faxfaxdhuun Oo Weerar Madaafiic Ah lakulmay.

    Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa maanta gelinkii dambe laga maqlay saldhigyo melleteri oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad magaalada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qaraxyo is xigxigay ayaa maanta gelinkii dambe laga maqlay saldhigyo melleteri oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan hoos yimaad magaalada Ceel Waaq ee gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya deegaanka Faxfaxdhuun ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah galabta lagu qaaday saldhigyada ciidamada Melleteriga Kenya, xoogaga Al Shabaab ayaa tobaneeyo madfac la helay saldhigyada ciidamada Kenya.

Wariye ku sugan gobolka Gedo ayaa SomaliMeMo khadka Taleefanka ugu sheegay in uu dab qabsaday Teendhooyin udhisnaa melleteriga Kenya, dadka deegaanka waxay sheegeen in sheedda sare ay ka arkayeen qiic iyo uura madoow oo cirka isku shareeray.


illaa iyo hadda lama oga khasaaraha nafeed ee ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarka madaafiicda ah ee Al Shabaab galabta ku qaadday saldhigyada melleteri ee deegaanka Faxfaxdhuun.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items