Dowladda Federaalka Oo Shirkad Shiinaha laga leeyahay Ku Wareejisay Kaluumeysiga dalka.

Thursday July 05, 2018 - 10:23:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Shirkad Shiinaha laga leeyahay Ku Wareejisay Kaluumeysiga dalka.

    Dowladda Federaalka ayaa wali sii wadda falalka gurrucan ee kheyraadka dalka ay ugu gacan gelinayso dowalado shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa wali sii wadda falalka gurrucan ee kheyraadka dalka ay ugu gacan gelinayso dowalado shisheeye.


Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka dalka ee Dowladda Federaalka C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi ayaa magaalada Nairobi heshiis horudhac ah kula gaaray Madaxa shirkaddaha Kalluumeysiga dibadda ee dowladda shuuciyadda Shiinaha.

"Waxaa maanta heshiis kalluumeysi oo hal sano ah la saxiixannay madaxa ugu sarreyo shirkadaha dibadda ee dalka shiinaha mr Davy Chen, si aan ugu faa’ideysano kheyraadka baddeena waxaanan si dhaw ula socon doonaa kalluumeysiga shirkadaha dalka shiinaha ee imaanaya dalkeenna”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga.


Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shatiyada kalluumeysiga la siinayo shirkadaha dalkaasi shiinaha ee ka shaqeeya kalluumeysiga islamarkaana madaxweynaha dowladda Federaalka uu dhowaan boqoasho ku tagi doono wadanka shiinaha.

Madaxa Shirkadaha dibadaha shiinaha oo madashii heshiiska lagu saxiixay ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay fursadda ganacsi ee ay siiyeen madaxda dowladda Federaalka, dowladda shiinaha ayaa fursad u helaysa in si rakhiis ah ay ku gurato kalluunka dhax ceegaaga badaha dalka Soomaaliya.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Max'med Cabdullaahi Farmaajo uu R/wasaaraha Xabashida Itoobiya ku wareejiyay afar dekadood oo kuyaal dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items