Dowladda iiraan Oo Ku Hanjabtay in Ay Xiri doonto Marinka Muhiimka Ah Ee Hormuz Haddii halis lageliyo dhoofinta Shidaalkeeda.

Thursday July 05, 2018 - 11:42:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda iiraan Oo Ku Hanjabtay in Ay Xiri doonto Marinka Muhiimka Ah Ee Hormuz Haddii halis lageliyo dhoofinta Shidaalkeeda.

    Dowladda Shiicada iiraan ayaa ku hanjbatay in ay xayiraad kusoo rogi doonto maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isticmaala mid kamida marin biyoodyada ugu muhiimsan caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shiicada iiraan ayaa ku hanjbatay in ay xayiraad kusoo rogi doonto maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ee isticmaala mid kamida marin biyoodyada ugu muhiimsan caalamka.

Taliska ciidanka kacaanka iiraan ayaa xaqiijiyay in ay joojin doonaan maraakiibta naftada sidda ee isaga kala gooshta Marin biyoodka Hormuz haddii mareykanku uu diido in shidaalka dowladda iiraan ay soo saarto caalamka loo iibgeeyo.

Jeneraal Ismaaciil Kowthari oo ah taliyaha ciidamada kacaanka ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray si kulul uga jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray Donald Trump ee ahaa in uu xayiraad saari doono shidaalka iiraan u iibgeyso suuqyada shidaalka caalamka.


"Haddii ay joojiyaan in waxsoo saarka Naftada iiraan dibadda loo dhoofiyo annaguna waxaan mamnuuci doonnaa in wax markab ah uu ka gudbo gacan biyoodka Hormuz" ayuu yiri Kowthari.

Isbuucii lasoo dhaafay madaxweynaha Mareykanka ayaa ka codsaday dowladda Sacuudiga in ay sare uqaaddo wax soo saarka shidaalka oo ay gaarsiiso illaa laba Milyan oo Barmiil maalin walba tallaabadaas oo ka caraysiisay iiraan iyo dowladaha shidaalka ee ku bahoobay Ururka OPEC


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items