Al Shabaab Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ku Qaaday Deegaanka Qalimoow Ee Sh/dhexe.

Friday July 06, 2018 - 22:06:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ku Qaaday Deegaanka Qalimoow Ee Sh/dhexe.

    Dagaal khasaara dhaliyay ayaa ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal khasaara dhaliyay ayaa ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku dhaxmaray deegaan katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.



Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in iska hor'imaad xooggan uu maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Qalimoow oo qiyaastii 60 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho halka Balcad uu ujiro 30 KM.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen deegaanka ayna la wareegeen gacan ku heynta goob isbaara ah oo ciidamada DF-ka ay gaadiidka dadweynaha lacago uga qaadayeen.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay dagaalka halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, xoogaga Al Shabaab ay si buuxda ula wareegay gacan ku heynta Qalimoow iyagoo calanka Madoow ee dhaxda ku leh Towxiidka ka lalmiyay Koontaroolka deegaanka.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hub u badan qoryo gacmeedyo iyo rasaas ay ciidamada Al Shabaab ka qaateen goobta isbaarada ah oo isku imaatin u aheyd ciidamada dowladda.

Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay ayay sidaan oo kale ciidamada Al Shabaab weerar ugu qaadeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Qalimoow.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items