Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Wadada Makka Al-mukarramah.

Saturday July 07, 2018 - 09:52:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Oo Qof Shacab Ah Ku Dilay Wadada Makka Al-mukarramah.

    Ugu yaraan hal qof shacab ah ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ciidamo katirsan DF-ka ay gaari jiirsiiyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan hal qof shacab ah ayaa dhintay tira kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ciidamo katirsan DF-ka ay gaari jiirsiiyeen.

Saaka aroortii horay ayuu gaari Cabdi Bile ah jiiray dad shacab ah oo ku lugeynayay wadada Makka Al Mukarrama ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Gaariga Tiknikada ah ayaa wadada ka baxay wuxuuna dilay Nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Gacal Cumar Maxamuud oo da'diisu aheyd 70 sana jir sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Askari katirsan ciidamada dowladda ayaa ayaa si xun ugu dhaawacmay shilka ka dhacay wadada Makka Almukarrama, inta badan gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada dowladda iyo mas'uuliyiinta ayaa si xowlli ah ku mara waddooyinka sababa la xiriira iyagoo ka baqaya qaraxyo ka dhasha miinooyinka dhulka lagu aaso.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items