Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradaha Ammaanka iyo Arrimaha Gudaha Ee Muqdisho.

Saturday July 07, 2018 - 11:41:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradaha Ammaanka iyo Arrimaha Gudaha Ee Muqdisho.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda howlgal isugu jira mid naf hurnimo iyo mid toos ah oo ka socda bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda howlgal isugu jira mid naf hurnimo iyo mid toos ah oo ka socda bartamaha magaalada Muqdisho.

Al Shabaab waxay sheegtay in ciidamadeedu ay weerareen dhismaha wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha dowladda Federaalka "Mujaahidiinta ayaa howlgal guuleystay ku qaaday xarumaha murtadiinta ee Muqdisho, camaliyad istish-haadi ah ayaa howlgalka lagu daah furay kadibna rag inghimaasiyiin ah ayaa gudaha ugu daatay cadowga" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ay maqlayaan jugta qaraxyo is xigxiga iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayo.


Weerarkan ayaa waxba kama jiraan ah ka dhigaya dadaalladii ay hoggaanka dowladda Federaalka ku doonayeen in ay ku sugaan ammaanka xarumaha waaweyn oo ay ku leeyihiin hareeraha wadada Makka Almukarrama.

Waxaa xusid mudan in 30-kii malamood ee lasoo dhaafay  shacabka laga xiray waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo wasaaradda ammaanka DF-ka ay ku marmarsiyoonaysay baajinta weeraro ka imaanaya dhanka Al Shabaab.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items