Guddoomiyihii Degmada Qoryooley Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Baraawe.

Saturday July 07, 2018 - 11:40:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Degmada Qoryooley Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Baraawe.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii gudaha magaalada Baraawe lagula beegsaday mas'uul katirsanaa maamulka Shariif Sakiin ee Koonfur galbeed loo yaqaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax xooggan oo maanta barqadii gudaha magaalada Baraawe lagula beegsaday mas'uul katirsanaa maamulka Shariif Sakiin ee Koonfur galbeed loo yaqaan.

Warararka ka imaanaya Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax maanta barqadii ka dhacay gudaha degmada Baraawe lagu dilay Cismaan  Cali Buraale oo ahaa guddoomiyaha degmada Qoryooley balse hadda  madax ka ahaa mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Baraawe.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in walxaha qaraxa oo  lagu dhax xiray gaariga guddoomiyaha uu sababay dhimashada, wararka ayaa intaas ku daraya in mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa guddoomiyaha uu isna ku dhintay qaraxa.


Cismaan Cali Buraale guddoomiyihii hore ee degmada Qoryooleey ayaa sanadadii dambe kamid ahaa mas'uuliyiinta sida aadka ah ugu dhow dhow Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku magacaaban madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda qaraxa lagu dilay guddoomiyaha Qoryooleey sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items