Weerarkii Xarunta Wasaaradaha Oo Soo Gabagaboobay iyo Khasaara ka dhashay.

Saturday July 07, 2018 - 17:23:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerarkii Xarunta Wasaaradaha Oo Soo Gabagaboobay iyo Khasaara ka dhashay.

    Waxaa soo gaba gaboobay weeraradii xooganaa ee maanta barqadii lagu qaaday xarunta laba wasaaradood oo katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay weeraradii xooganaa ee maanta barqadii lagu qaaday xarunta laba wasaaradood oo katirsan dowladda Federaalka.



Weerarada oo lala beegsaday dhismaha wasaaradaha ammaanka iyo arrimaha gudaha iyo taliska Booliska ayaa dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh oo aad ufarabadan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof oo ubadan shaqaalaha wasaaradaha labeegsaday oo mas'uuliyiin ay kamid yihiin, wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Daahir Maxamuud Geelle ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in 12 qof ay ku dhinteen weerarka 40 kalane ay ku dhaawacmeen.



Agaasimihii wasaaradda arrimaha gudaha iyo howlwadeenno lakale ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarkii maanta oo ahaa mid ka koobnaa laba qarax oo istish-haadi ah iyo weerar xoog kugal ah ayaa larumeysanyahay in lagusoo beegay waqti ay shaqaalaha wasaaradu xaadir ku ah ahaayeen xarunta labeegsaday.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in dadka ku dhintay weerarka uu kamid ahaa agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Axmed Ilkacase oo marna soo noqday Xoghayaha Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dowladdii Xasan Sheekh. sidoo kale Liibaan Cusmaan oo ka mid ah Agaasimayaasha wasaaradda waxbarshada iyo sidoo kale Agaasimaha Waaxda Amniga ee Wasaaradda uu ku dhaawacmay kaas oo lagu Magacaabo Siyaad.

Dagaalyahannadii gudaha ugalay xarunta wasaaradaha ayaa toogasho ku dilay shaqaalihii dhismaha ku sugnaa, sidoo kale qarax kale oo ka dhacay banaanka xarunta ayaa lala helay ciidamo gurmad ahaa oo doonayay in dagaalka ay ka qeyb qaataan.

Dhimsaha la beegsaday waxaa lagu magacaabaa dhismaha Oto-Ota, waxaana ku yaalla xarumaha Wasaaradaha Amniga, midda arimaha gudaha iyo taliska ciidamada Police-ka ee dowladda Federaalka Waxaana ciidamada Al Shabaab  dabagal iyo muraaqabo ka dib u suuragashay in ay maanta qaadaan weerarkaas saameynta badan reebay.


Weerarkan ayaa waxba kama jiraan ah ka dhigaya dadaalladii ay hoggaanka dowladda Federaalka ku doonayeen in ay ku sugaan ammaanka xarumaha waaweyn oo ay ku leeyihiin hareeraha wadada Makka Almukarrama.

Waxaa xusid mudan in 30-kii malamood ee lasoo dhaafay shacabka laga xiray waddooyinka magaalada Muqdisho iyadoo wasaaradda ammaanka DF-ka ay ku marmarsiyoonaysay baajinta weeraro ka imaanaya dhanka Al Shabaab.






Related Items