Askari Afghani Ah Oo Askari American Ah Toogasho Ku Dilay Koonfurta Afghanistan.

Sunday July 08, 2018 - 10:11:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Afghani Ah Oo Askari American Ah Toogasho Ku Dilay Koonfurta Afghanistan.

    Ciidamo Mareykan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday toogasho ka dhacday saldhig melleteri oo kuyaal Koonfurta wadanka Afghanistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Mareykan ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday toogasho ka dhacday saldhig melleteri oo kuyaal Koonfurta wadanka Afghanistan.

Askari katirsan xukuumadda Dabadhilifka Afghanistan ayaa toogasho ugeystay ciidamo American ah xilli ah ku sugnaayeen garoonka lagu magacaabo Tarinkot ee gobolka Uruzgan.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ISAF ee taageera duullaanka Ururka NATO ee Afghanistan toogashada oo isbaheysiga gudihiisa ka dhacday waxaa ku dhintay hal askari American ah 2 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Saraakiisha Reergalbeedka ee Afghanistan ku sugan ayaa weerarada nuucaan ah u yaqaan 'Weerar ka yimid gudaha" oo ay ula jeedaan in askartii isku cadowga ahaa marmarka qaar ay isdilaan.


Bayaan kasoo baxay Xarakada Islaamiga Taliban ayay ku sheegtay in weerarka uu fuliyay askari katirsan xukuumadda oo ka qiirooday dhibaatada ay soo duulayaasha Mareykanka ku hayaan shacabka Afghanistan.

Weerarada ay geystaan askarta xukuumadda ayaa sanad walba gallaafta nolosha tobanaan katirsan ciidamada jinsiyadaha kala duwan leh ee Afghanistan ku duulay sanaddii 2001.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items