R/Wasaaraha Itoobiya Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Magaalada Asmara.

Sunday July 08, 2018 - 10:24:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Itoobiya Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Magaalada Asmara.

    Dowladda Itoobiya ayaa bilaawday in ay dhaqan geliso ballan qaadkeedi ahaa in ay caadiyaynayso xiriirka kala dhaxeeya dowladda dariskeeda ah ee Ereteria oo dagaal lagu hoobtay uu dhaxmaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa bilaawday in ay dhaqan geliso ballan qaadkeedi ahaa in ay caadiyaynayso xiriirka kala dhaxeeya dowladda dariskeeda ah ee Ereteria oo dagaal lagu hoobtay uu dhaxmaray.



R/wasaaraha Itoobiya Abeey Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka aroortii ka degay garoonka diyaaradaha caalamiga magaalada Asmar waana markii ugu horraysay oo mas'uul Itoobiyaan ah uu booqdo Ereteria muddo dhan 20 sanadood oo xiriir ah.

Kumanaan qof Ereteriyaan ah ayaa R/wasaaraha Itoobiya kusoo dhaweeyay fagaare weyn oo kuyaal magaalada Asmara wuxuuna kulan laleeyahay Efawarki oo ah madaxweynaha Ereteria iyo wasiirka arrimaha dibadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay in socdaalka Abeey Axmed uu soo gaba gabeyn doono dagaalkii lagu hoobtay ee labada dowladood dhaxmaray sanadihii 1998 iyo 2000.



Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa go'itaankii Ereteria ka dhaxashay dhibaatooyin dhaqaale oo aan kasoo waaqsi laheyn waxayna Itoobiya noqotay dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika ee aan bad laheyn kadib markii Ereteria ay la go'day xeebaha badda cas sida magaalada musawac oo dekado waaweyn ay kuyaallaan.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items