Daawo Video: Afhayeenka Wasaaradda Amniga Oo Sheegay in Madaxda Dowladda Ay Fashilmeen Uguna Baaqay iscasilaad.

Sunday July 08, 2018 - 22:44:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Afhayeenka Wasaaradda Amniga Oo Sheegay in Madaxda Dowladda Ay Fashilmeen Uguna Baaqay iscasilaad.

    Hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa anfariir ka qaaday weeraradii aadka u xoogganaa ee shalay lagu qaaday xarun isku raran ah oo ay ku shaqeynayeen wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa anfariir ka qaaday weeraradii aadka u xoogganaa ee shalay lagu qaaday xarun isku raran ah oo ay ku shaqeynayeen wasaaradaha ugu muhiimsan dowladda.



Cabdi Casiis Xildhibaan oo ku magacaaban Afhayeenka wasaaradda ammaanka ayaa walaac ka muujiyay wixii shalay dhacay isagoo weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Federaalka.

Wuxuu sheegay in fashil weyn oo dhanka ammaanka ah uu jiro xitaa iyadoo magaalada Muqdisho laga sameeyay khad cagaaran ay Al Shabaab u suurtagashay in gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ay ku weeraraan meel ku dhow madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxda dowaladda ayuu ku sifeeyay daneystayaal boorsooyin lacag ah usoo qaatay in ay xilal qabtaan kadibna dalka isaga dhoofaan, "Sidee suura gal ku noqotay in shalay Qarax uu dhaco, sidee baabuurka uu ku yimid meesha iyadoo magaalada qad cagaaran uu ka jiro, ma arkin Hoggaamiye fuliya balan-qaadka shacabka, hadana maalin kasta aad u sacbisaanā€¯ayuu yiri Xildhibaan.



Wuxuu ku jees jeesay shacabka Muqdisho isagoo si duurxul ah u yiri "Berri haddii ay xaaladdu umaatay waxaan ka dhoofeynaa garoonka diyaaradaha oo waxaan heysanaa baasaboorada dowlado shisheeye waxa dhibku ku dhacayo waa idinka"


Hoos Ka Daawo Caddeymaha Afhayeenka wasaarrada ammaanka


Related Items