Kheyre Oo Shaqada Ka Eryay Mid Kamida Golihiisa Wasiirrada.

Monday July 09, 2018 - 16:09:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kheyre Oo Shaqada Ka Eryay Mid Kamida Golihiisa Wasiirrada.

    War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xasan Cali Kheyre ayaa shaqadii uu hayay looga Eryay Xasan Macallin Xuseen oo ahaa Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Diinta dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Xasan Cali Kheyre ayaa shaqadii uu hayay looga Eryay Xasan Macallin Xuseen oo ahaa Wasiirka Diinta iyo Arrimaha Diinta dowladda Federaalka.



Daahir Maxamuud Geellle oo ah wasiirka warfaafinta ayaa warbaahinta u sheegay in amarka kasoo baxay R/wasaaraha uu isla maanta dhaqan gelayo.

Dhanka kale Wareegtada ayaa lagu sheegay in xilkaas uu si KMG ah u sii hayn doono Wasiiru dowllaha Wasaaradda Ninka lagu magacaabo Cabdi Xakiin Xasan Ibraahim Ashkir.

Xilka qaadista wasiirkan ayaa imaanaysa xilli murun iyo isqab qabsi uu ka taaganyahay lacagta laga qaadayo sanadkan xujeyda ka dhoofaya garoonka diyaaradaha Muqdisho.



Waxaa xusid mudan in Xasan Macalin oo kamid ahaa xildhibaannada sida aadka ah mucaaradsanaa siyaasadda Farmaajo iyo Kheyre wuxuuna xilkan hayay wax aan ka badneyn laba bilood oo xiriir ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items