Wasiirro Katirsan Dowladda Ingiriiska Oo Xilalkii Ay Hayeen iska Casilay.

Monday July 09, 2018 - 17:24:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirro Katirsan Dowladda Ingiriiska Oo Xilalkii Ay Hayeen iska Casilay.

    War kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha wadanka Ingiriiska Theresa May ayaa lagu xaqiijiyay in uu iscasilay wasiirkii arrimaha dibadda wadanka kana mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War kasoo baxay xafiiska R/wasaaraha wadanka Ingiriiska Theresa May ayaa lagu xaqiijiyay in uu iscasilay wasiirkii arrimaha dibadda wadanka kana mid ahaa siyaasiyiinta caanka ah.

Boris Johnson ayaa la xaqiijiyay in uu iska casilay jagada hoggaaminta wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska balse faah faahin dheeri ah lagama bixin sababta uu isku casilay.

Johnson ayaa horay usoo noqday duqa magaalada London wuxuuna dowladda UK kusoo biiray waqti adag oo dadka wadankaasi ay afti uqaadayeen in ay isaga baxaan Ururka Midowga Yurub.

Dhinaca kale waxaa xalay iscasilay wasiirkii ingiriiska uqaabilsanaa ka bixitaanka Ururka Midowga Yurub ninka lagu magacaabo David Davis, waa wasiirrada ugu badnaa ee marqura iska casila xukuumadda Theresa May.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items