Afhayeen iscasilay iyo Maareeyihii Duulista Hawada Oo Shaqada laga Eryay.

Tuesday July 10, 2018 - 12:46:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeen iscasilay iyo Maareeyihii Duulista Hawada Oo Shaqada laga Eryay.

    Mas'uuliyiin katirsanaa dowladda Federaalka ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay shaqada isaga tagay kuwana laga ceyriyya xilli jiha wareer siyaasadeed iyo mid amni uu hareeyay Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uuliyiin katirsanaa dowladda Federaalka ayaa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay shaqada isaga tagay kuwana laga ceyriyya xilli jiha wareer siyaasadeed iyo mid amni uu hareeyay Villa Somalia.



Cabdi Casiis Xildhibaan oo ahaa afhayeenkii wasaaradda amniga dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu dhacay weerarkii wasaaradaha iyo taliska Booliska.

Qoraal kooban oo uusoo dhigay bartiisa facebook-ga ayuu ku sheegay in isagu uu go'aansaday in uu iscasilo sababa la xiriira fashilka dhanka amniga ah ee kajira magaalada Muqdisho.

"Anigoo ka jawaabaya qoraal uu isoo gaarsiiyay Xogheynta Wasiirka Amniga oo ku saabsan qoraal la been abuuray inuu soo baxay 5-tii bishan July in la iga qaaday xilka Afhayeenka Wasaaradda Amniga, waxaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inaan xilkaas iska casilay 7-dii bishan, kaddib markii weerarka lagu soo qaaday Xarunta Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga”ayuu yiri C/casiis Xildhibaan.



Dhinaca kale waxaa xilkii uu hayay laga qaaday mas'uulkii ugu sarreeyay hay'adda duulista hawada dowladda Federaalka waxaana lagu bedelay sarkaal kale oo ay isku dhowyihiin Xasan Cali Kheyre.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada DF-ka ayaa waxaa Shaqa joojin loogu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle(Yuusuf Jaale).

Shalay ayay aheyd markii shaqada laga Eryay Xasan Macallin oo ahaa wasiirkii wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta.

Related Items