Carruur Ku Geeriyootay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Degmada Waaberi Magaalada Muqdisho.

Wednesday July 11, 2018 - 10:27:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Carruur Ku Geeriyootay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Degmada Waaberi Magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay shil khasaara dhaliyay oo ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay shil khasaara dhaliyay oo ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.



Ugu yaraan Labo carruur ah ayaa geeriyootay halka labo kalena ay dhaawacmeen kaddib markii saaka uu gaari ku jiiray degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in carruurtan ay ku sii jeedeen Dugsi qur’aan ay dhiganayeen oo ay saaka aroortii u kalaheen waxaana gaariga jiiray uu ahaa nuuca raaxada.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay  in gaariga uu carruurta ku jiiray inta u dhaxeysa Buundada Ansalooti iyo Suuqa Beerta wuxuuna ku jiiray wadada dhinaceeda gaar ahaan marshabiyeedka oo ay carruurta marayeen.

 

Carruurta geeriyootay ayaa da’dooda lagu sheegay inay u dhaxeysay 9-14 sano jir, waxaana labada kale ee dhaawacantay loola cararay isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

 

Isbuucii lasoo dhaafay gaari Cabdi Bile ah oo ciidamada dowladdu wateen ayaa qof shacab ah ku dilay wadada Makka Almukarammah ee magaalada Muqdisho.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items