Barlamaanka Carabta Oo Walaac Ka Muujiyay Sii Xoogeysashada Weerarada Al Shabaab Ee Soomaaliya.

Wednesday July 11, 2018 - 11:17:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamaanka Carabta Oo Walaac Ka Muujiyay Sii Xoogeysashada Weerarada Al Shabaab Ee Soomaaliya.

    Urur ay ku mideysanyihiin Baarlamaannada dowladaha carabta ayaa walaac ballaaran ka muujiyay sii xoogeysashada howlgallada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fulinayso dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Urur ay ku mideysanyihiin Baarlamaannada dowladaha carabta ayaa walaac ballaaran ka muujiyay sii xoogeysashada howlgallada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fulinayso dalka Soomaaliya.



War kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu sheegay in weerarada Al Shabaab ay fulinayso ay halis ku yihiin waxa ay ugu yeereen howlgallada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Mishcal Bin Faham Alsalami oo ah madaxa golaha Baarlamaanka Carabta ayaa weerarkii Al Shabaab sabtigii lasoo dhaafay ka fulisay Bartamaha Muqdisho ku tilmaamay Khatar weyn oo ku horgudban in DF-ka ay cagaheeda isku taagto.

"Weerarkii Argagaxisannimo ee dhawaan ka dhacay Muqdisho wuxuu nagu kallifayaa in dhammaanteen aan dowladda Soomaaliya ka taageerno dagaalka ka dhanka ah Jihaadiyiinta" ayuu yiri madaxa Golaha Baarlamaannada Carabta.



Ururka Jaamacadda Carabta ayuu ka codsaday in taageero dhan walba ah ay dowladda Federaalka Soomaaliya kasiiyaan dagaalka ay kula jirto xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Weerar aad loosoo qorsheeyay oo horraantii isbuucan lala beegsaday xaruno wasaarrada isku raran ah iyo taliska Booliska ku shaqeynayeen ayaa sababay dhimashada ugu yaqaan 34 qof oo mas'uuliyiin dowladeed kamid ahaayeen

Related Items