Mareykanka Oo Canshuur Dheeri Ah Kusoo Rogay Badeecadaha Uga Yimaad Shiinaha.

Wednesday July 11, 2018 - 11:23:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Canshuur Dheeri Ah Kusoo Rogay Badeecadaha Uga Yimaad Shiinaha.

    Waxaa sii xoogeystay dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay dagaalka dhanka dhaqaalaha ah ee u dhaxeeya dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka.

Ilo wareedyo lagasoo xigtay mas'uuliyiin Mareykan ah ayaa sheegaya in Washington ay lacago canshuuro dheeri ah kusoo rogtay badeecadaha ay dowladaha shiinaha usoo dhoofiso gudaha Mareykanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in canshuur dhan $200 oo Bilyan lagusoo rogay badeecadaha ka yimaad  wadanka shiinaha sida birta Ceyriin iyo dhagxaanta dhuxusha laga sameeyo.

Dhinaca kale dowladda Shiinaha waxay xaqiijisay in tallaab udhiganta midda Mareykanka ay qaadayaan ayna lacago canshuuro dheeri ah kusoo rogi doonaan badeecadaha uga yimaad Mareykanka.


Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay dagaalkii dhanka ganacsiga ugu xooganaa ee dhaxmara labada dal, shiinaha waa dowladda 2-aad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka marka laga reebo Mareykanka waxaana muuqata in tartanka labada dhinac u dhaxeeya uu sii xoogeystay tan iyo markii uu Trump madaxweyne noqday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items