Diyaaradaha Kenya Oo Duqeyn Aan Khasaara Geysan Ka Fuliyay Jubbada Dhexe.

Wednesday July 11, 2018 - 18:15:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Kenya Oo Duqeyn Aan Khasaara Geysan Ka Fuliyay Jubbada Dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay diyaaradaha dowladda Kenya ay duqeeyeen dhul baadiye ah oo ay dad xoola dhaqata ah ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in saaka aroortii hore ay diyaaradaha dowladda Kenya ay duqeeyeen dhul baadiye ah oo ay dad xoola dhaqata ah ku sugnaayeen.

Ugu yaraan 6 Gantaal ayaa ku dhacay baadiyaha deegaanka Jawaari ee gobolka Jubbada dhexe, dadka deegaanka waxay sheegeen in wax khasaara ah uusan ka dhalan duqeynta.

Jugta qaraxyo ka dhashay gantaallada oo ku hoobtay dhul Howd ah ayaa laga maqlayay deegaanno dhowr ah oo katirsan Jubbada dhexe, dowladda Kenya ayaa caan ku ah in ay duqeyn ku beegsato wara biyoodyada xoolaha laga waraabiyo ee gobollada Gedo iyo Jubbooyinka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items