Diyaaradaha Yahuudda Ayaa Markale Duqeyn ka Geystay Gudaha Suuriya.

Thursday July 12, 2018 - 19:41:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Yahuudda Ayaa Markale Duqeyn ka Geystay Gudaha Suuriya.

    Duqeymaha ayaa beegsaday illaa 3 xero oo ciidanka Nuseyriyada Ay kulahaayeen deegaanka "Xadro Watal" iyo Tuulada Sadmaaniyah oo gobolka Quneydarah katirsan, waxa ayna geesteen khasaare kala duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeymaha ayaa beegsaday illaa 3 xero oo ciidanka Nuseyriyada Ay kulahaayeen deegaanka "Xadro Watal" iyo Tuulada Sadmaaniyah oo gobolka Quneydarah katirsan, waxa ayna geesteen khasaare kala duwan.



Wakaalada wararka u faafiso Nidaamka Bishaar Al-Asad ee lagu magacaabo SANA ayaa sheegtay in ciidankooda difaaca cirka ay ka hortageen, duqeyn ay diyaaradaha Yuhuudda la damacsanaayeen Saldhigyo Millatari oo ku yaalla deegaanka Sadmaniyah oo gobolka Quneydarah katirsan.

Waxa ay sheegtay in duqeymuhu ay ahaayeen dhowr, balse ay ka hortageen qaar kamid ah halka kuwa kalena ay ku dhecen goobo kabaxsan saldhigyada ciidamada, kuwaas oo ay sheegeen in ay geysteen khasaaro hantiyeed oo kaliya.



Dhanka kale Maamulka Yuhuuda ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqeymahan ay jawaab u ahaayeen diyaarad kuwa meelaha fog laga hago ah oo dhulka ay maamulaan kusoo xad gudubta galabkii Arbacada taas oo ciidanka Yuhuuda ay soo rideen.

 

Wasiirka difaaca Maamulka Yuhuudda EFEGADOR LEBERMAN ayaa sheegay in ciidankooda cirka ay duqeeyeen ilaa 3 saldhig oo military-ga suuriya ay lahaayeen, duqeymahana ay ka gaareen hadafkii ay ka lahaayeen.

 

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay duqeymaha sii wadayaan in tacadiyo ay uga imaanayaan dhanka wadanka Suuriya, taas oo laga dheehan karo in duqeymaha ay sii wadayaan inta Maleeshiyaadka Iiraaniyiinta ah ay ku sugan yihiin wadankaasi.

Ilo ka madax banaan labada dhinac ayaa sheegaya in duqeymaha ay haleeleen saldhigyada ciidanka Nuseyriyada, uuna jiro khasaare xoogan oo Maleeshiyaadka Al-Asad kasoo gaarey balse ilaa hada lama helin inta uu la egyahay khasaaraha rasmiga ah ee jiro.

Related Items