Wiil Uu Dhalay Halgamaagii Reer Liibiya Cumar Al-Mukhtaar Oo Geeriyooday.

Thursday July 12, 2018 - 22:09:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Uu Dhalay Halgamaagii Reer Liibiya Cumar Al-Mukhtaar Oo Geeriyooday.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in maanta uu geeriyooday wiilka kaliya ee uu dhalay halgamaagii mujaahidka ahaa ee Sheekh Cumar Al-mukhtaar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in maanta uu geeriyooday wiilka kaliya ee uu dhalay halgamaagii mujaahidka ahaa ee Sheekh Cumar Al-mukhtaar.

Magaalada Banghazi ee Bariga Liibiya ayaa maanta gelinkii dambe lagu aasay allaha unaxariistee Sheekh Maxamed Amiin Cumar Al Mukhtaar oo ahaa wiilka hoggaamiyihii gummeystaha Talyaaniga kula dagaallamay Liibiya.

Max'med Amiin ayaa ahaa 97 sana jir bishii March 2018 ayuu sheekhu udhoofay dibadda si halkaas loogusoo daweeyo, wariyaal Liibiya ku sugan ayaa baraha bulshada ku faafiyay warkan ku saabsan geerida wiilka Cumar Almukhtaar.

Sheekh Cumar Almukhtaar ayaa taariikh dahabi ah ku leh Jihaadka qaaradda Afrika gaar ahaan mandiqadda Maqribul islaam halkaas oo uu kula dagaallamay ciidamada gumeysiga Talyaaniga.


Wuxuu ka tagay hal ku dhig illaa iyo hadda waaray markii ay daldalayeen saraakiishii gaalada isagoo taagan halkii lagu dilayay ayuu cadowga usheegay in istish-haadkiisa uu dhiiri gelin unoqonayo muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items