Xabad Joojin looga Dhawaaqay Magaalada Ghaza Kadib Duqeymo Ay is dhaafsadeen Yahuudda iyo Muqaawamada.

Sunday July 15, 2018 - 10:16:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabad Joojin looga Dhawaaqay Magaalada Ghaza Kadib Duqeymo Ay is dhaafsadeen Yahuudda iyo Muqaawamada.

    Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in uu ogolaaday xabad joojin ka dhaqan gasha xuduuda uu Marinka ghaza la wadaago dhulka Filasdiin ee Yahuudda Sahyuuniyadda xoogga uga heysato muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Xamaas ayaa ku dhawaaqay in uu ogolaaday xabad joojin ka dhaqan gasha xuduuda uu Marinka ghaza la wadaago dhulka Filasdiin ee Yahuudda Sahyuuniyadda xoogga uga heysato muslimiinta.

Wararka ka imaanaya marinka Ghaza ayaa sheegaya in Maamulka Yahuudda iyo xoogaga muqaawamada ay si isku mid ah ujoojiyeen weeraradii duqeymaha ahaa oo ay is dhaafsanayeen.

Afhayeen u hadlay Ururka Xamaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xiriir ay la sameeyeen mas'uuliyiin katirsan dowladda Masar ay ku ogolaadeen sii wadidda Xabad joojintii lala galay Yahuudda sanaddii 2014.

Maamulka Yahuudda ayaa in kabadan 40 gantaal ku duqeeyay magaalada Ghaza waxaana ku shahiiday illaa 2 qof Filasdiiniyiin ah sida ay sheegeen ilaha caafimaadka magaalada.


Xoogaga waxiska caabinta Filasdiiniyiinta waxay sheegeen in ay 20 madfac laheleen magaalooyinka ay Yahuuddu maamusho waxayna ku goodiyeen in weerarada ay sii wadi doonaan haddii ciidanka Yahuudda ay halis geliyeen shacabka magaalada Ghaza.

R/wasaaraha Yahuudda ayaa goor sii horraysay maalintii Sabtiga sheegay in uu wasiirkiisa difaaca kala tashan doono duullaan melleteri oo ka dhan ah xoogaga muqaawamada ee Ghaza ka dagaallama balse khabiir melleteri oo Yahuudi ah ayaa lagasoo xigtay in 'Israa'iil' aysan xilliga diyaar u aheyn dagaal hor leh oo ay ka gasho Ghaza.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items