Madaxweynihii Hore Ee Faransiiska Oo Buug Uu Qoray Ku Sheegay in Weerarki Fashilmay Ee Buula Mareer Uu ku Reebay Murugo [Warbixin].

Monday July 16, 2018 - 11:54:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Faransiiska Oo Buug Uu Qoray Ku Sheegay in Weerarki Fashilmay Ee Buula Mareer Uu ku Reebay Murugo [Warbixin].

    Madaxweynihii hore ee dalka faransiiska François Hollande oo xilka ka degay muddo haatan laga joogo hal sanno ayaa qoray buug cusub oo uu kaga hadlayo sababihii keenay fashilka weerarkii ay ku doonayeen in ay kusoo furtaan sarkaal katirsanaa s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee dalka faransiiska François Hollande oo xilka ka degay muddo haatan laga joogo hal sanno ayaa qoray buug cusub oo uu kaga hadlayo sababihii keenay fashilka weerarkii ay ku doonayeen in ay kusoo furtaan sarkaal katirsanaa sirdoonka dalkooda oo kujiray gacanta Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab kaas oo lagu magacaabi jiray Denies Alex.



Howlgalkaas oo ka dhacay degmada Buula Mareer ee gobolka Shabellada hoose Bishii January sanadkii 2013, xilligaas oo uu hayey xilka madaxtinimada wadanka Faransiiska.

Buugga cusub ee uu qoray madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska ayuu ugu magac daray "Cashiradii aan ka Bartay Madaxtinimada” waxa uuna ku falanqeeyey qaabka ay usoo abaabuleen howl galkii fashilmay ee ka dhacay Magaalada Buula Mareer, wixii ku qabsaday ciidankiisa iyo sida ay ugu adkeyd in uu qaato qarar qa iska xoornima ah sida midkaan oo kale.



Hollande ayaa sheegay in habeenkaas ay u dhammaatay Mustaqbalkiisa siyaasadeen go'aanna uu ka qaatay in uu mar dambe isasoo sharaxo, isagoona Hordhaca kitaabka ku xusay dareenkiisa sida uu ahaa marka uu ka baxayey qasriga madaxtooyada dalka faransiiska, isagoo xasuusta ku haya in taariikhdu aysan ahayn Mid Naxariisata.

11, January, 2013, waa habeenkii Howlgalka Buula Mareer, faransiiska dhexdiisana waxaa looga yaqaan, Habeenki Raja Xumada, waa habeenkii Madaxweyne Hollande uu qaatay Qaraarka ah in ciidankiisa gaarka ah uu usoo diro Magaalada Buula Mareer oo markaas lagu Hayey Sarkaalka Katirsanaa Sirdoonka Dalkiisa oo kujiray gacanta Mujaahidiinta AlShabaab, howl galkaas oo kusoo dhammaaday guul darro dhiig badana uu uga daatay faransiiska, ugu dambeyna Al Shabaab ay toogteen Maxbuuski ay hayeen, iyagoo ugu aar gudaya dhiigga dad shacab ah oo Komandooska Faransiiska ay ku daadiyeen howlgalkoodii lagu qoray bogga Madoow ee Taariikhda sida madaxweynihi hore ee wadankaas uu ku qoray buuggiisa cusub.

 Hollande ayaa ku yiri Buuggiisa cusub, 13 January sanadkii 2013, waxa uu ahaa habeen ay garab socdaan qaraaro waaweyn, taas oo xafiiskiisa howl gallada Khaaska ah lasoo hor dhigay laba Arrin oo u baahan Go'aan qaadasho culus, labadaas howlgal oo kala ahaa weerar habeen dheelmad ah oo lagu qaado Mujaahidiinta ka dagaalama wadanka Maali oo markaas isku fidinayey dhul balaaran iyo in la qaado howl gal kale oo habeenimo kaas oo lagusoo furanaya laheystaha faransiiska ah Denis Alex oo kujiray gacanta AlShabaab tan iyo sanadkii 2009kii.

Sirdoonka Faransiiska oo kaashanaya Calooshood u shaqeystayaal Jawaasiis ah ayaa soo helay guri ku yaala magaalada Buula Mareer oo Mujaahidiinta AlShabaab ay ku Hayeen Denes Alex islamarkaana waxa ay dalbadeen kulan degdega ah oo ay isugu imaanayaan qaar katirsan Saraakiisha Ciidan Kumandoosta, Madaxweynaha Faransiiska iyo Sarkaal heysta sirdoonka, kulankaas oo lagu kala qaadanayey qorshaha howl galka iyo saxiixa oo looga fadhiyey madaxweyne Hollande inuu Qalinka ku duugo.


Hollande ayaa sheegay in Taliyaha sirdoonka uu cod kalsooni kujirto ugu sheegay in ciidankooda ay awood u leeyihiin soo furashada maxbuuska, iyagoo qaadaya howlgal habeen dheel mad ah, kadibna si deggan u dhex jiiraya dhulka u dhexeeya Xeebta Badda ilaa Guriga uu kujiro, sidaana ay kusoo laabanayaan iyadoon la fahmin in ay xitaa goobta gaareen, hadaladaas oo sababay in madaxweynaha uu saxiixo go'aan sababay cawaaqib xumo kaas oo miraha ka dhashay ay noqotay in Laheystihii iyo laba kale oo faransiis ah la dilo.


Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyey sida uu dareenkiisu ahaa daqiiqadihii ay hortiillay warqadda Saxiixa ka sugeysa iyo laba labeyntii soo wajahday, isagoona xusay in Shaki weyn uu soo food saaray balse waxa uu yiri waxaan la shekeystay nafteyda anigoo ku oranaya "howl galku waa mid culus, Guushiisana lama hubo, laakin haddii aan halkaan iska fadhinno oo aanan sameyn wax dhaqaaq ah, waxaa hubaal ah in AlShabaab ay maxbuuska meel kale geynayaan, kadibna ay nagu cuslaan doonto inaan dib dambe u helno xogtiisa, sidaa darteed waa lama huraan howlgalka in aan u dhaqaaqno si aan Sarkaalkeena usoo badbaadino".


Intaas oo kaliya Maahane madaxweynaha ayaa ku yiri buuggiisa, "waxaa hareeraheyga taagnaa saraakiil kasoo garab shaqeysay Alex oo ay ahaayeen saaxiibo dhow, waxay mar waliba ixasuusinayeen in fulinta howlgalkaan u yahay lagama maarmaan ayna si wanaagsan usoo diyaariyeen qorshaha ay kusoo furanayaan, waxaa intaa sii dheeraa qoyska Alex oo iyana ii taagnaa albaabka hore kuwaas oo igu cadaadinayay in aan wax uun dhaq dhaqaaq ah sameyno, si wiilkooda loosoo badbaadiyo".

Francisco Hollandeayaa sheegay in saraakiisha uu ku yiri mar kale "kulaabta qorshaha aad dajiseen ogaadana in aad sabab u noqoneysaan dilka Maxbuuska haddii uu dhoco, hal qalad oo kaliya, balse waxa uu tilmaamay in qalbigiisa uu ka dareemayey laba labeyn weyn" inkastoo uusan ka hor sheegin saraakiishii qorshaha soo dajiyey iyo ehellada maxbuuska la heysto, uuna ku qasbanaaday in guuxa dhexdiisa ka yeerayo uu ku heysto laabtiisa, aamusnaantana uu ku dadaalo.


Waxaa uu isku dayayaa in buuggiisa uu marmarsiiyo ugu sameeyo wixii ku qasbay qaadashada go'aankii sababay ceebta soo gaartay faransiiska, waxa uuna leeyahay, maanta waxaan hor taaganahay cadaw aan wax yar oo naxariis ah noo sameyneyn, sidaa darteed suurtagal ma ahan in Dowladda faransiiska ay u muujiso wax yar oo dacfi ah, ayna waajib ku tahay in ay howlgalkaan ka fiiriyaan dhanka geesinimada oo ay meel iska dhigaan dhinaca cabsida iyo walbahaarka ku beeraya laabtooda. 


Gabagabadii kulanka ayaa markaan leysla soo gaaray madaxweynahana waxa uu leeyahay waxaan hareeraheyga ka eegay saraakiisha ciidanka oo wajiyadooda ay ka muuqato dhiiranaan iyo firfircooni, waxa ayna i xasuusiyeen in qorshaha noocaan ah uu yahay, wixii ay intaas oo sano tababarrada u qaadanayeen, iyagoo iigu laab qaboojinaya in qorshaha uu guuleysan doono, ugu dambeyna waxaan saxiixa ku duugay duulaankii lagu qaaday Buula Mareer ee ceebta ku reebay ciidanka Komaandooska faransiiska iyo dowladooda intaba.


Isla kulankii ay isugu yimaadeen saraakiisha sirdoonka iyo kuwa ciidanka Komaandooska iyo Madaxweyne Hollande waxaa lagu kala saxiixday laba qorshe oo kala ahaa laba duulaan oo lagu kala qaado Somalia iyo Maali, balse howlgalka Maali ayaa ka duwana kan Somalia, sababtoo ah ma ahayn mid Amni ah oo kulanka ka hor ayuu madaxweynaha ka shaaciyey Teleshinka dowladda si ka duwan kan Somalia oo qorshihiisa uu ka soconayey Miiska hoostiisa.


Ciidanka faransiiska ayaa markaan bilaabay in ay usoo dhaqaqaan xeebaha Somalia, iyagoo u diyaar garoobaya, howlgal habeen dheelmad ah oo ay kusoo furanayaan Maxbuuskii kujiray gacanta Mujaahidiinta Al Shabaab ee lagu magacaabi jira Denis Alex, madaxweynaha waxa uu sheegayaa in daqiiqad daqiiqad ay usoo gaarayeen qorshaha howlgalka, isaguna uu ahaa mid dhegta u taagaya khabarka kaga imaan doono dhanka Somalia habeenkaasna uusan seexan.


Hollande ayaa sheegay inuu si toos ah ula xiriirayey Taliyaha ciidanka Qalabka sida ee Faransiiska Jeneraal Boga oo markaas ku mashquulsanaa dhameystirka qorshihii lakala qaatay, howshuna illaa xilli dambe oo habeenkaas ah waxa ay ku socotay sidii loo qorsheeyey.

Jawigu wuxuu deganaadaba ugu danbeyn taleefankii khaaska ahaa ee madaxweynaha ayaa Markaan soo dhacay, shaashada markuu eegayna waa Jeneral Boga oo laga sugayey khabar farxad leh balse markaan xaalka wuu ka duwanaa sidii laga rabay.

Jeneraalka ayaa igu yiri "Madaxweyne howshii way fashilantay, ciidankeenana waxa ay la kulmeen iska cabin xoogan, balse intii aanan su'aal kale weydiin, waxa kaliya ee qalbigeyga kusoo dhacay waxa uu ahaa Daniel Alex oo ahaa maxbuuskii kujiray gacanta AlShabaab, kadibna waxaan qalbigeyga ka dareemay ciriiri aad uweyn, isla daqiiqadaas ayaana xaqiiiqsaday in AlShabaab ay tooganayaan Laheystaha mar haddii howl galkii uu fashilmay.


Isagoo isku dayaya inuu faahfaahiyo sababa fashilka keenay ayuu Madaxweynihi hore ee faransiiska leeyahay, waxaa na helay "Gudcurka Habeenimo ee Afrika”, oo intii ciidamadeena ay kusii jireen jidka ayey ku dhex dheceen meel ay jiifeen dagaal yahanno katirsan AlShabaab, kadibna mid kamid ah askarteena ayaa ku istaagay dagaalyahan katirsan kooxda, waxaana ka baxsatay xabad, taas oo sabab u noqotay in dagaal yahanadii oo idil soo toosaan oo ciidankeena ay la dagaalamaan Mudo kudhow 4 saac oo xiriir ah, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu leeyahay waxaan weynay Qorshihii kadiska ee howlgalkeenu ku dhisnaa, goobta dagaalkana waxaa nalooga dilay Askar, dagaal yahandii maxbuuska heystana islamarkiiba waxa ay toogteen Denis Alex, sidaas ayayna nagusoo gaartay laba khasaaro oo aad looga xumaado, naguna reebay Rajo beel aan lagasoo kabsan iyo Murugo aan dhamaad lahayn.

Fransico Holande ayaa sheegay inuu go'aansaday inuusan mar labaad iskusoo sharaxin madaxweynaha wadanka Faransiiska, isagoona noqday madax weynaha kaliya ee wadanka faransiiska soo mara ee ku gaabsada hal mar xilliga xukunka oo ku sugnaa qasriga Elizey ee looga taliyo wadanka fansiiska.

Inkastoo uu isku dayey in uu wax badan kasoo bandhigo qaabkii ay u dhacday camaliyadii fashilantay ee faransiiska taas oo uu xoogga ku saarey qoraalka buuggiisa arrimaha la xiriiro dareenkiisa gaarka ah ee kuxeernaa sidii uu howlgalku u dhacay iyo qaabka uu ufashilmay, balse waxaa xusid mudan in xaqiiqda ay wax badan ka duwan tahay sida uu sheegay.

Dhacdadaas oo faahfaahsana waxaa loogu laaban karaa filim ay soo saartay Mu'asasada Al Kataeb oo loogu magac daray "وراء الظلال العزوة الفرنسية الفاشلة” oo soo baxay sanadkii 2014.

Related Items