Kumanaan Maleeshiyaad Shiico Ah Oo Laga Daad Gureynayo Gobolka Idlib Ee Dalka Suuriya.

Wednesday July 18, 2018 - 10:52:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumanaan Maleeshiyaad Shiico Ah Oo Laga Daad Gureynayo Gobolka Idlib Ee Dalka Suuriya.

    Kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa ogolaaday in kumanaan kun oo maleeshiyaad shiico ah iyo ehelladooda laga daad gureeyo deegaanno dhaca Waqooyiga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha mucaaradka Suuriya ayaa ogolaaday in kumanaan kun oo maleeshiyaad shiico ah iyo ehelladooda laga daad gureeyo deegaanno dhaca Waqooyiga wadankaasi.

Wararka ka imaanaya gobolka Idlib ayaa sheegaya in kooxaha mucaaradka ay saxiixeen heshiis dhigaya in hareereynta laga qaado laba degmo oo ay ku sugnaayeen ciidamo hubeysan iyo eheladooda taas bedelkeedna ay ogolaanayaan maxaabiis isweydaarsi xadidan.

Heshiiskan oo garwadeen ay ka tahay dowladda Turkiga ayaa fursad usiinaya maleeshiyaadka shiicada in si nabad gelya ah ay ehelladooda ugu daad gureeyaan dhanka magaalooyinka gacanta Nidaamka Bishaar Al-asad kujira.


Kooxda Hay'adda Taxriiru Shaam oo heshiiska usaxiixday dhanka mucaaradka ayaa shardi ka dhigtay in xabsiyada Nidaamka lagasii daayo illaa 1500 oo maxaabiis muslimiin suniyiin ah iyo 30 sarkaal oo kamid ah xoogaga mucaaradka.

Dadka shiicada ah ee laga daad gureynayo gobolka Idlib ayaa tiradooda lagu sheegay 6,000 oo isugu jira Maleeshiyaad hubeysan iyo dad rayid ah.

Wariyaasha ayaa soo sheegaya in daad gureynta shiicada ku go'doonsan deegaannada Kafriyah iyo Foocah ay u gogol xaareyso duullaan melleteri oo ay suurtagal tahay in ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad iyo maleeshiyaadka iiraaniyiinta ku qaadaan gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya dhaca.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items