Kenya Oo Sheegtay in Ciidamo Ka Hortaga Weerarada Al Shabaab Ay Udirayso Xuduudda Soomaaliya.

Wednesday July 18, 2018 - 17:54:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Sheegtay in Ciidamo Ka Hortaga Weerarada Al Shabaab Ay Udirayso Xuduudda Soomaaliya.

    Xilli ammaanka dalka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay xukuumadda Nairobi isku dayaysaa in ay adkeyso ammaanka gudaha wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka dalka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay xukuumadda Nairobi isku dayaysaa in ay adkeyso ammaanka gudaha wadankaasi.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in boqolaal askari dheeri ah loo diray xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Mas'uul u hadlay dowladda Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo isugu jira Melleteri iyo Boolis ay geeyeen deegaannada xududda kulaala si ay uga hortagaan weerarada joogtada noqday  ee ka imaanaya Xarakada Al Shabaab.

Saraakiil katirsan wasaaradda G/dhigga ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada oo isugu jira Boolis iyo Melleteri ay saldhigyo ka dhigan doonaan xuduudda gaar ahaan dhanka Libooya Kenya oo Xoogaga Al Shabaab bishaan gudaheeda ka fuliyeen weeraro dhiig badan ku daatay.


Dowladda Kenya ayaa dhowr mar iclaamisay howlgallo melleteri oo ay ku sheegayso in ay uga hortagayso weerarada ka imaanaya Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana muuqata in isku dayadaasi ay noqdeen kuwa fashilmay welina ciidamada Al Shabaab ay si xowlli ah uga howlgelayaan gobollada Lamu iyo NFD ee gummeysiga kujira.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items