Meydad iyo Askar Maxaabiis Ah Oo Lagusoo Bandhigay Degmada Jamaame Ee Jubbada Hoose.

Monday July 23, 2018 - 21:42:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydad iyo Askar Maxaabiis Ah Oo Lagusoo Bandhigay Degmada Jamaame Ee Jubbada Hoose.

    Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay askar Maxaabiis ah oo ay ku qabatay dagaalkii Cuslaa ee ka dhacay deegaanka Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Jamaame ayaa katirsan Jubbada Hoose
Xarakada Al Shabaab ayaa soo bandhigtay askar Maxaabiis ah oo ay ku qabatay dagaalkii Cuslaa ee ka dhacay deegaanka Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo.



War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegtay in ay gacanta ku dhigtay illaa iyo 2 askari oo katirsanaa ciidamada Dowladda Federaalka ee Mareykanku Tababaray kuwaas oo dagaal ku qabsatay saldhig melleteri oo kuyaal deegaanka Baar Sanguuni.

Sidoo kale Ugu yaraan illaa iyo 6 askari ayaa meydadkooda lagu soo bandhigay fagaare ku yaala magaalada Jamaame ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka, kuwaas oo kamid ah ciidamadii maanta lagu dilay dagaalkii weynaa ee Baarka.



Dadweyne aad u farabadan oo katirsan dadka magaalada Jamaame ayaa usoo daawasho tagay meydadka askarta katirsan maamulka Jubbaland ee lagu soo bandhigay magaalada.

Dagaalka maanta dhacay ayaa khasaare adag waxaa lagu gaarsiiyay ciidamada uu Maraykanku tababaray ee katirsan maamulka Jubbaland.

Weerarka oo lagu daahfuray camaliyad istish-haadi ah waxaa lagu dilay ugu yaraan 27 askari, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay kusoo qaateen qanaa’im kala duwan oo aad u farabadan.

Lama oga sida uu noqon doono masiirka ciidamadan maxaabiista ah ee ugacan galay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, xarakada ayaa sidaan oo kale waxaa gacanta Al Shabaab ku jira Maxaabiis isugu jira Kenyaan iyo Yugaandheys balse qaar kamid ah maxaabiistaas ayaa ayaa ladilay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items