Hoggaamiyaal Katirsan Xarakada Taliban Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka dhacday Afghanistan.

Tuesday July 24, 2018 - 11:29:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaal Katirsan Xarakada Taliban Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka dhacday Afghanistan.

    Duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday wadanka Afghanistan ayaa lagu dilay mas'uuliyiin katirsan Xarakada islaamiga Taliban oo dagaal ba'an kula jirta ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday wadanka Afghanistan ayaa lagu dilay mas'uuliyiin katirsan Xarakada islaamiga Taliban oo dagaal ba'an kula jirta ciidamada Mareykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabuul.



Wararka ka imaanaya waqooyi Bari wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay sababeen istish-haadka dhowr sarkaal sida lagu xaqiijiyay war rasmi ah oo kasoo baxay imaarada islaamiga Afghanistan.

Dadka lagu dilay duqeynta waxaa kamid ah Mulla Max'med Nasiim Mushfiq oo ahaa Xaakimka gobolka Kaabiisiya iyo Qaari Ixsaanullaa oo ahaa guddoomiye degmo iyo rag kale.

Bayaanka kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in dilka hoggaamiyaasha Jihaadka uusan dib udhac ukeeni doonin dagaalka jihaadka ah ee lagula jiro shisheeyaha iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah.



Dhinaca kale war kasoo baxay wasaaradda difaaca Xukuumadda Kaabuul ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarka lagu dilay saraakiisha katirsan Xarakada Taalibaan balse dowladda Mareykanka ayaan ilaa iyo hadda ka hadlin duqeynta ay ka geysatay Afghanistan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items