60 Qof Oo Ku Dhimatay Dab Ka Kacay Dhulka Keymaha Wadanka Gariigga.

Tuesday July 24, 2018 - 20:52:50 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    60 Qof Oo Ku Dhimatay Dab Ka Kacay Dhulka Keymaha Wadanka Gariigga.

    Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dab ka kacay dhul Keymaha oo kuyaal wadanka Gariigga ee qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara lixaad leh ayaa ka dhashay dab ka kacay dhul Keymaha oo kuyaal wadanka Gariigga ee qaaradda Yurub.

Ugu yaraan 60 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Dab ka kacay dhulka Keymaha duleedka magaalada Athens ee caasimadda wadanka Gariigga sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka.

Dabka oo si xowlli ah ku socday ayaa kusii fidaya dhulka Keymaha sababa la xiriira cimillada oo aad ukulul wuxuuna heer kulku gaaray illaa 50 darajo, guddiga gurmadka degdegga dalka Gariigga ayaa xaqiijiyay in lala'yahay tobaneeyo qof halka 150 dhaawacyadooda loola cararay isbitaallada.


Ciidamada Melleteriga oo wata diyaaradaha qumaatiga ukaca ayaa la arkayay iyagoo dul heehaabaya magaalada caasimadda ah ee Athens si ay dadka dabku hareereeyay usoo badbaadiyaan.

Mandiqadda Kenita oo ah halka musiibadu ka taagantahay waxaa ku gubtay tobaneeyo qof waxaana laga cabsi qabaa in dabku dhul hor leh ku faafo sababa laxiriira dabeyllo si xowlli ah ku socda.

R/wasaaraha Gariigga ayaa sedax maalmood Baroor diiq qaran ah ku dhawaaqay wuxuuna amar kusiiyay shaqaalaha dowladda in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhibanayaasha ah.






Related Items