Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kabul.

Thursday July 26, 2018 - 11:53:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Kabul.

    Saaka waabarigii ayaa weerar Istish-haadi ah oo khasaare geystay wuxuu ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan kaas oo lagu beegsaday xarun sirdoon oo aad loo ilaaliyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saaka waabarigii ayaa weerar Istish-haadi ah oo khasaare geystay wuxuu ka dhacay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan kaas oo lagu beegsaday xarun sirdoon oo aad loo ilaaliyo.

War qoraal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Dhaalibaan ayay ku sheegteen masuuliyadda weerarka iyagoona xusay in mid ka mid ah dagaaliyahankoodu uu isku qarxiyay xarunta sirdoonka Maamulka Ashraf Ghani ee dalka Afghanistan.

Dhaalibaan ayaa sheegtay in tobannaan ka mid ah sirdoonka Maamulka Kabul ay ku nafwaayeen qaraxa, halka lagu burburiyay tobanaan baabuur.

Xarunta la beegsaday ayaa la sheegayaa iney deggan yihiin ciidamada sirdoonka ee fuliya howlgallada guryaha loogu dhaco ee ka dhanka ah dadka Muslimiinta.


Dhanka kale gaari miineysan ayaa ku qarxay kolonyo sirdoonka ah xilli ay ka soo baxeen xaruntooda, waxaana la soo sheegayaa khasaarooyin kala duwan, sida Dhaalibaan ay shaacisay.

Related Items