Diyaaradaha Dagaalka Yahuudda Oo Shacab Ah Ku Duqeeyay Magaalada Ghaza.

Thursday July 26, 2018 - 15:06:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dagaalka Yahuudda Oo Shacab Ah Ku Duqeeyay Magaalada Ghaza.

    Ugu yaraan saddex ruux oo Filastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo horleh oo diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ay saacadihii la soo dhaafay ka geysteen bariga magaalada Gaza sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Filistiiniyiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan saddex ruux oo Filastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo horleh oo diyaaradaha dagaalka ee Yahuudda ay saacadihii la soo dhaafay ka geysteen bariga magaalada Gaza sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka ee Filistiiniyiinta.



Afhayeen u hadlay wazaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadka ku dhintay duqeyntaas ay u geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray, iyadoo sidoo kale ay jiraan dhaawacyo kala oo lagula tacaalayo goobaha caafimaadka.

Military-ga Yahuudda ayaa sheegtay duqeymahan waxayna sheegeen in ay ku beegsadeen xarumo ay kooxda Xamaas ku leedahay marinka Gaza inkastoo ilo wareedyo madax banaan ay tilmaamayaan in duqeymaha intooda badan lagu beegsaday xaafadaha dadka deegaanka.



Maamulka Yahuudda ayaa sheegay in duqeymaha uu kaga jawaabayo toogasho lagu qaaday ciidankooda oo ka dhacday meel u dhexeysa marin xuduudeedka Gaza.

Duqeymahan ayaa yimid iyadoo maalintii shaley ay dadka reer Gaza dhigeen mudaahaaraad ballaaran oo ka dhacay afaafka hore xad-beenaadka ay ku sugan yihiin ciidamada Yahuudda kaas oo lagu soo aadiyey boqol maalin guuradii ka soo wareegatay markii ay u bilowday kacdoonka loogu magacdaray masiiradii soo noqoshada.

Tan iyo markii uu bilowday kacdoonkaas waxaa la dilay ugu yaraan 138 ruux oo filistiiniyiin ah, halka sidoo kalena lagu dhaawacay 160,000 oo kale.

Related Items