Xuuthiyiinta Oo Duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Abu Dhabi.

Friday July 27, 2018 - 08:17:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuuthiyiinta Oo Duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga Abu Dhabi.

    Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ayaa markii ugu horraysay dagaalka u raray meel ka baxsan wadamada Yemen iyo Sacuudiga oo ay caan ku ahaayeen in ay weeraro ka geystaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ayaa markii ugu horraysay dagaalka u raray meel ka baxsan wadamada Yemen iyo Sacuudiga oo ay caan ku ahaayeen in ay weeraro ka geystaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Kooxda Xuuthiyiinta ayay ku sheegtay in diyaarado aan duuliye laheyn ku weerartay garoonka diyaaradaha caalamiga Abu Dhabi.

Maxamed Cabdi Salaam oo ah Afhayeenka kooxda ayaa sheegay in ay beegsadeen caasimadda mid kamid ah dowladaha 'Cudwaanka' islamarkaan aysan nabad gelyo heli doonin dhammaan dowladaha ku lugta leh dagaalka Yemen.

Dhinaca kale dowladda Imaaraatka Carabta ayaa xaqiijisay in garoonka Abu Dhabi uu weerar lakulmay balse waxay diiday in xuuthiyiintu weerarkaas geysteen, khamiistii lasoo dhaafay ayey aheyd markii maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay weerareen laba Markab oo dowladdu sacuudigu laheyd xilli ay marayeen Marin Biyoodka Baabul Mandab.


Sanadkii Afaraad ayuu dalka Yemen ka socdaa dagaal ay majaraha u hayaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta kuwaas oo jawaab celin kala kulmaya taageerayaasha iiraan ee Mandiqadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items