Dowladda Sacuudiga Oo Xirtay Sheekh C/Caziiz Alfowzaan.

Wednesday August 01, 2018 - 13:39:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo Xirtay Sheekh C/Caziiz Alfowzaan.

    Dowladda Sacuudiga ayaa markale xabsiyada u dhaadhiciyay tobaneeyo kamid ah culimaa'udiinka siyaasadeeda mucaaradsan iyo saxafiyiin ay ku sheegtay dambiilayaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Sacuudiga ayaa markale xabsiyada u dhaadhiciyay tobaneeyo kamid ah culimaa'udiinka siyaasadeeda mucaaradsan iyo saxafiyiin ay ku sheegtay dambiilayaal.

Shabakad soo gudbisa xogaha howlgallada raafka sacuudiga ayaa xaqiijisay in culimaa'udiin uu kamid yahay Cabdi Caziiz Alfowzaan laxiray kadib markii uu barta Twitterka ku faafiyayn qoraal uu ku boorinayo in aan lala shaqeyn gaalada.

Sheekh Cabdi Caziiz waa mid kamida wiilasha Sheekhul Fowzaan oo caan ka ah dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan, sidoo kale illaa 70 kamid ah macallimiinta iyo howlwadeennada jaamacadda Umul quraa ee magaalada Madiinah ayaa laxiray kuwaas oo ku eedeysan in ay ka dhiidhiyeen hanaanka calmaaniyaynta ee uu wado Max'med Bin Salmaan oo ah dhaxal sugaha Aala Sacuud ahna wasiirka difaaca.


Ugu yaraan 10,000 oo ruux ayaa la rumeysanyahay in ciidamada sirdoonku ay xireen lagasoo bilaabo bishii November sanaddii 2017 dhammaantoodna waxay ku eedeysanyihiin in ay shacabka ku booriyeen diidmada isbedelka dhanka reergalbeedka loogusii dhawaanayo ee Ina Salmaan horboodayo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items