Sawirro+Video : Alkataa'ib Oo Filim Kasoo Saartay Weeraro Lagu Laayay Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka

Wednesday August 01, 2018 - 20:30:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Sawirro+Video : Alkataa'ib Oo Filim Kasoo Saartay Weeraro Lagu Laayay Maleeshiyaadka Dowladda Federaalka

    Mu'asasada Alkataa'ib ayaa soo saartay filim cajiib ah oo lagu soo bandhigayo weeraro iyo howlgalo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyada iyo kolonyooyinka maleeshiyaatka Soomaalida ee isaga kala gudbaya saldh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada Alkataa'ib ayaa soo saartay filim cajiib ah oo lagu soo bandhigayo weeraro iyo howlgalo ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigyada iyo kolonyooyinka maleeshiyaatka Soomaalida ee isaga kala gudbaya saldhigyadooda.


Filimkan oo ah qeybtii 3aad ee muuqaalada loogu magacdaray "Ku Ad-Adkoow Gaalada” ayaa la daawan karaa ku dhawaad muddo 30 daqiiqo ah, wuxuuna soo bandhigayaa weeraro isugu jira kamaa’in iyo dagaallo toos ah oo lagu xasuuqayo maleeshiyaatka DFS.

Arinta xiisaha leh waxay tahay in filimkan markii ugu horeysay ay Xarakada Al-Shabaab ku soo bandhigtay weeraradii taxanaha ahaa ee bilooyinkii la soo dhaafay ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar kuwaas oo lagu dilay saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka isku magacaabay HiirShabelle.



Filimka waxaa lagu arkayaa dagaalayahanada Al-Shabaab oo cagta marinaya fariisimooyin maleeshiyaatka Soomaalidu ku leeyihiin deegaano ku dhow magaalada Balcad oo qiyaastii 30 km u jirta Muqdisho iyo weeraro dhabagala h oo lagu xasuuqayo maleeshiyaatka Soomaalida.

Howlgalada lagu soo bandhigayo filimka waxay is-heystaan laga soo bilaabo Baay iyo Bakool ilaa gobolka Bari ee dhaca waqooyi-bari Soomaaliya.

Weerarada qaarkood waxay ka dhacayaan duleedyada magaalooyinka Muqdisho, Beydhabo, Kismaayo, Baladweyne iyo Boosaaso, waxayna muujinayaan sida dagaalyahanada Al-Shabaab ay faafiyeen awoodooda military una qalqal geliyeen maamulada dabadhilifyada ah ee ka jira wadanka.

Waxaa filimka ka soo muuqanaya qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha maamul-goboleedyada dalka oo qiraya in ay ku guuldareysteen dagaalka ay kula jiraan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halka sidoo kalena ay ka soo muuqanayaan hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo bogaadinaya howlgalada ciidankooda.

Halkaan ka daawo Facebook
Halkaan ka degso  Archive

Hoos ka Daawo Sawirrada






Related Items