Dhageyso: Hoggaamiyaha Al Qaacidda Oo Al Shabaab Ku Bogaadiyay Halganka Ay Uga Jirto Bariga Qaaradda Afrika.

Monday August 06, 2018 - 07:17:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Hoggaamiyaha Al Qaacidda Oo Al Shabaab Ku Bogaadiyay Halganka Ay Uga Jirto Bariga Qaaradda Afrika.

    Mu'asasada As-Saxaab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al-Qaacida ayaa baahisay Kalimad la daawan karo muddo 32 daqiiqo ah oo uu sheekh Aymen Al Dawaahiri kaga hadlayo taariikhda halganka soo jireenka ee illaa hadda ka taagan bariga qaaradda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada As-Saxaab oo ah garabka warbaahineed ee Ururka Al-Qaacida ayaa baahisay Kalimad la daawan karo muddo 32 daqiiqo ah oo uu sheekh Aymen Al Dawaahiri kaga hadlayo taariikhda halganka soo jireenka ee illaa hadda ka taagan bariga qaaradda Africa ee u dhexeeyey Muslimiinta iyo Kirishtaanka.


Kalimaddan oo qeyb ah taxanaha  loogu magac daray Al-Rabiic Al-Islaami ama "Gu’ga Islaamiga” oo uu sheekhu inta badan kaga hadlo muhiimadda midnimada Muslimiinta, taariikhda iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin saaxaadka Jihaadiga ee dunida Islaamka.

Xalqadan wuxuu sheekhu kaga hadlay siraaca ka socda mandiqada aan ku noolnahay ee leh taariikh siraac oo soo jireen ahaa tan iyo soo bixitaankii islaamka. Xalqadan waxaa cinwaan looga dhigay "Bariga Afrika Dhufeyska Koonfureed Islaamka”.



Sheekh Aymen Al Dawaahiri ayaa kalimaddiisa ku bogaadiyay Hoggaanka Xarakada Al Shabaab sida xikamadda leh oo ay umadda Soomaaliyeed ugu hoggaaminayaan dagaalka halganka ah ee lagula jiro gumeystayaasha Itoobiya iyo Kenya oo Mareykanku gadaal ka taaganyahay.

Waana qeybtii Labaad ee Bariga Afrika waxa uuna Xakiimul Ummah dhameystiray ka hadalka Taariikhda Loolanada Muslimiinta iyo Gaalada ee Bariga Afrika,waxaana uu Sheekha ugu baaqay dadka Muslimiinta ee ku nool Bariga Afrika iney ku biiraan Xarakada  Alshabaab oo ay soo buuxiyaan Safka Jihaadka.

Halkan ka degso Kalimadda oo luqadda Soomaaliga lagu Tarjumay MP3

Related Items