Weerar Naf-hurnimo Oo Lagu Qaaday Saldhig Melleteri Oo Ciidamada DF-ka Ay ku leeyihiin degmada Afgooye.

Sunday August 05, 2018 - 13:59:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Naf-hurnimo Oo Lagu Qaaday Saldhig Melleteri Oo Ciidamada DF-ka Ay ku leeyihiin degmada Afgooye.

    Jugta qarax xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay dhammaan xaafadaha degmada Afgooye iyo deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay dhammaan xaafadaha degmada Afgooye iyo deegaannada dhaca duleedka magaalada Muqdisho.



Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah ayaa beegsaday saldhig melleteri oo gudaha Afgooye ay ku leeyihiin maleeshiyaadka dowladda Federaalka.

War kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyaddan weerarkan khasaaraha badan dhaliyay "Weerar istish-haadi ah ayay mujaahidiintu ku weerareen saldhig ay maleeshiyaadka Murtadiinta ku lahaayeen gudaha degmada Afgooye" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Al Shabaab.



Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamo farabadan ay howlgallo raaf ah ka wadeen degmada Afgooye iyo hareeraheeda waxaana la qorsheynayay in Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo booqdo deegaannada dhaca duleedka Muqdisho.

Faah Faahinta ku saabsan weerarka ka dhacay Afgooye dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'allaah

Related Items