Sarkaal ka tirsan Booliska Dowladda Oo galabta lagu dilay duleedka Muqdisho.

Sunday August 05, 2018 - 20:22:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan Booliska Dowladda Oo galabta lagu dilay duleedka Muqdisho.

    Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay "Maxamad Gaaruf" ayaa sidoo kale waxaa laga qaatay gaari iyo Bastoolad uu watay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay "Maxamad Gaaruf" ayaa sidoo kale waxaa laga qaatay gaari iyo Bastoolad uu watay.



Dilka sarkaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho oo uu kajiro maamul taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dagaalyahanadii ka tirsanaa Mujaahidiinta Al-Shabaab ee dilay sarkaalka  ayaa goobta si nabadgelyo ah uga dhaqaaqay iyagoo horay usoo qaatay gaarigii iyo bastooladii ay ka furteen.

Gaariga laga qaatay sarkaalkaas  ayaa lagu sheegay inuu ahaa nooca Kaaribta loo yaqaanno.


Maydka sarkaalkii ka tirsanaa booliska  ayaa goobta in mudda ah yaallay iyadoo markii dambe ay maleeshiyaat kale oo ka tirsan dowkadda ay goobtaas ka qaadeen.

Xoogaga Al Shabaab ee  ka hawlgala Muqdisho iyo deegaanada ku heeran ayaa si joogta ah weeraro toos ah iyo kuwo gaadma ahba ugu beegsada saraakiisha iyo maleeshiyaatka dowladda sida kuwa booliska iyo sirdoonka  arintaas oo walaac joogta ah ku ah cadawga isla markaana ay qaab ay iska maareeyaan ay la'yihiin

Related Items